In aad dugsi ama jaamacad gasho iyo in aad waxbarato oo aad aqoontaada maalgeliso waa ay kala duwan tahay. Qofka dhallinyarada ah ee hal’abuurka lihi_ha ahaado hal’abuure ganacsi, mid farshaxan, mid suugaaneed, mid qalab, ama mid fikireed_waxa ugu muhiimsan waa in aannu mar kasta ka daalin waxbarashada. In aad aqoontaada kobciso waxa ay ka imanaysaa dhinacyo badan, wax baa aad akhrin kartaa, socdaal ayaad khibrad ka heli kartaa, dunida iyo deegaanka kugu xeersan baa aad dhugan kartaa, dhammaanteed waa waxbarasho. Ha noqon qofka wax barta marka uu xarun waxbarasho ku jiro oo keliya, balse aqoontaada maalgasho xilli kasta iyo xaalad kasta oo aad ku jirto.

Comments

Popular posts from this blog

Fa'iidada nabada