Waxbarashado waa noocyad badan tahay laakiin si guud labo ayaa loo qaybiyaa:
A. Waxbarasho irmaan (education with intrumental values). Sida in aad tahay ingineer, dhaqatar, pilot, xisaabiye, badmaax…. Etc
2. Waxbarasho dihin ( abstruct ama analytic). Waxbarashada noocan ah waxay ku jirtaa falsafada, mandiqa, aftahnimada, naxwaha, qayb xisaabta kamid ah …. Etc
Tan labaad waxay kaalmo u tahay midda 1aad. Laakiin nolasha adduunka inta badan waxaa ku dhisantahy tan hore.
Innaga dhibku intee ayuu naga haystaa marka?!
Tan danbe ee tan irmaan horseedda ayaa naga xirin. Tusaale, dugsiyada sare, jaamacadaha midna laguma dhigo xoojinta habfikir (critical thinking) ama falsafada.
Sababtu maxay tahay?!
Wadaad ayaa yiri isticmaalka caqliga, falsafada, iyo mandiqa waa lagu gaaloobaa ee iska ilaaliya!!
Marka, halkuu Bilaal Bulshaawi nagu jabiyay waa halkan. Maxaa yeelay, Jaamacad iyo dugsi sare waad soo dhigatay laakiin xirfad iyo maan midna kama sarraysid.
Marka, in Bilaal Bulshaawi noqdo iskuxiraha siyaasadda iyo shacabka ama official promoter of Federal government adna aad tirhaado academic ayaad tahay ee maqaaxi ha ka shaqaynin isma diidayaan!
Hussein Sabrie ilaa goormaad aqoonyahannada u sheegi academic ayaad tihiin ee Sheekh Cabdi Xaye iyo Ahmed Geeddi guurka ha idiinka sheekeeyaan ee Guryasama taga?!
Fa'iidada nabada
€ Luuqadda♧ ♡ ♤Download PDF♧ ♡ ♤Waardiyey ♧ Wax ka badal Nabad (Af Ingiriis : peace; Af Carabi : ar) waa xiliga xasiloonida iyo degenaashaha, ereyga NABADA waa af-garad ka soo horjeeda Dagaalka iyo qarbudaada ka dhex aloosma qowmiyadaha, ama dabaqadaha bulshada, ama dowladaha tartamaya, sooyaalka waxaa ka muuqanaya in badanka aadanuhu u janjeeraan dhinaca nabada, iyo ka talinta xasiloonida, iyagoo dejinaya booskii xasilooni darida iyo qalaanqalka dagaalka, sida la wada ogyahay nabadu waa tan joogtada ahaata waqti dheerna jirta, nabada ayaa waxaa la socda horumar iyo koboc dhinac walba taabanaya, dagaalka iyo dhibta ayaa lid ku ah marwalba xasiloonida ka dhalata nabada kiiyoo aan la jaan qaadi karin horumarka iyo ilbaxnimada. dhul nabad ah Nabada wanaageeda qaalinimadeed iyo lama huraanimada ay u tahay bulshada, maadiga ruuxda iyo guud ahaan nolosha ma garan karo qof aan u soo joogin balaayada dagaalka iyo dhibta uu leeyahay. nabada iyo amaanka ayaa aasaas lama huraan iyo shardi ...
Comments
Post a Comment