Waxbarashado waa noocyad badan tahay laakiin si guud labo ayaa loo qaybiyaa:
A. Waxbarasho irmaan (education with intrumental values). Sida in aad tahay ingineer, dhaqatar, pilot, xisaabiye, badmaax…. Etc
2. Waxbarasho dihin ( abstruct ama analytic). Waxbarashada noocan ah waxay ku jirtaa falsafada, mandiqa, aftahnimada, naxwaha, qayb xisaabta kamid ah …. Etc
Tan labaad waxay kaalmo u tahay midda 1aad. Laakiin nolasha adduunka inta badan waxaa ku dhisantahy tan hore.
Innaga dhibku intee ayuu naga haystaa marka?!
Tan danbe ee tan irmaan horseedda ayaa naga xirin. Tusaale, dugsiyada sare, jaamacadaha midna laguma dhigo xoojinta habfikir (critical thinking) ama falsafada.
Sababtu maxay tahay?!
Wadaad ayaa yiri isticmaalka caqliga, falsafada, iyo mandiqa waa lagu gaaloobaa ee iska ilaaliya!!
Marka, halkuu Bilaal Bulshaawi nagu jabiyay waa halkan. Maxaa yeelay, Jaamacad iyo dugsi sare waad soo dhigatay laakiin xirfad iyo maan midna kama sarraysid.
Marka, in Bilaal Bulshaawi noqdo iskuxiraha siyaasadda iyo shacabka ama official promoter of Federal government adna aad tirhaado academic ayaad tahay ee maqaaxi ha ka shaqaynin isma diidayaan!
Hussein Sabrie ilaa goormaad aqoonyahannada u sheegi academic ayaad tihiin ee Sheekh Cabdi Xaye iyo Ahmed Geeddi guurka ha idiinka sheekeeyaan ee Guryasama taga?!
In aad dugsi ama jaamacad gasho iyo in aad waxbarato oo aad aqoontaada maalgeliso waa ay kala duwan tahay. Qofka dhallinyarada ah ee hal’abuurka lihi_ha ahaado hal’abuure ganacsi, mid farshaxan, mid suugaaneed, mid qalab, ama mid fikireed_waxa ugu muhiimsan waa in aannu mar kasta ka daalin waxbarashada. In aad aqoontaada kobciso waxa ay ka imanaysaa dhinacyo badan, wax baa aad akhrin kartaa, socdaal ayaad khibrad ka heli kartaa, dunida iyo deegaanka kugu xeersan baa aad dhugan kartaa, dhammaanteed waa waxbarasho. Ha noqon qofka wax barta marka uu xarun waxbarasho ku jiro oo keliya, balse aqoontaada maalgasho xilli kasta iyo xaalad kasta oo aad ku jirto.
Comments
Post a Comment